U bood dhigaalka

Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo Siweyn Loo Adkeeyey

Sheeko:Amniga

Waxaa si weyn maanta loo adkeeyey Amniga guud ee magaalda Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, taas oo la filaayo in ay marti geliso kulanka madaxda dowlad goboleedyada maalin kadib, waxaana magaalada ka socdo diyaarinta furitaanka shirkaasi, waxaana maanta lagu wadaa  in magaalada ay gaaraan wufuud hordhac u ah.

Waxaa wadooyinka kala duwan ayaa lagu arkayaa ciidamo, iyagoo hubinaayo amniga iyo dhaqdhaqaaqa, waxaa siweyn loo baarayaa magaalada gaadiidka soo galayo iyo kuwa ka baxayo, maadama ay marin tahay. Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay saraakiisha ciidamada ayaa kala hadlay sugitaan amniga madaxda soo gaaraysa magaalada.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in maalinta Barrito ah ay marti geliso kulanka madaxda dowlad goboleedyada Galmudud, Hirshabeelle, Puntland, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, kadib markii uu fashilmay kulan madaxda maamulladaan ay la qaadan lahaayeen madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Goobjoog News