U bood dhigaalka

Amniga Mudug Oo Laga Shiray

Sheeko:Amniga

Guddiga nabadeynta gobolka mudug ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dhanka amniga gobalkaas.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la kulmay guddigaas ayaa sheegay in Labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland looga baahan yahay in ay ka wada shaqeeyaan nabada iyo wadajirka.

Waxa uu Xaaf ku bogaadiyey guddigan sida ay xilka isaga saareen nabad kusoo dabaalidda gobolka Mudug.

Kulankan ayaa la  isku fahmay in lasii xoojiyo howlgallada ammaanka lagu sugayo iyo sidoo kale wadashaqeynta buuxda ee Labada dhinac.

Goobjoog News