U bood dhigaalka

Amniga Oo Noqonaya Ajendaha Golaha Shacabka Ee Sabtida Soo Socota

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta sheegay maalinta sabtida ee taariikhda ku beegan tahay 6-da April uu goluhu ka doodi-doonno arrinta amniga.

Mudane Mursal ayaa intaasi raaciyey in loo yeeri-doono hey’adaha ku shaqada leh amniga, isagaa oo carabka ku adkeeyey in isla xisaabtanka ay ka mid tahay waajibaadka golaha shacabka.

Dhinaca kale, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka gaar ahaan guddiga joogtada aha ayaa Goobjoog News u sheegay iney jirto cabsi laga qabo in sabtida kulanka loo diido warbaahinta xorta ah iyaga oo balan-qaadey iney arrintaas ka hortagi-doonaan.

Goobjoog News