U bood dhigaalka

Amniga Wadada Isku Xirta Degmada Afgooye Iyo Mareerey Oo Soo Hagaagaya

Sheeko:Dalka

Isbedel dhanka ammaanka ah ayaa laga dareemayaa wadada isku xirta degmada Afgooye iyo deegaanka Mareerey oo gobalka Shabellaha Hoose ka wada tirsan, xilli halkaasi Isbaaro loogu dhigan jiray gaadiidka safarka ah.

Sayid Baalle Mayow oo ah gudoomiyaha Mareerey oo lasoo xiriiray Goobjoog News, ayaa sheegay in hadda gaadiidka ay si caadi ah u shaqo billaabeen, islamarkaana wadadaasi ay hadda tahay mid aanay yaallin wax isbaaro ah.

Sababta arrintaan ayuu ku sheegay Gudoomiyaha ka dib markii ciidamada ammaanka ay sameeyeen howlgallo, islamarkaana kooxihii wax Isbaareysan jiray ay iyaguna carareen.

“Amniga wadada isku xirta Mareerey iyo Afgooye hadda aad buu u wanaagsanyahay, ciidamada waxay ku guuleysteen inay la dagaallamaan cid walba oo shacabka dhibaato ku haysay, waxaana sidoo kale socda howlgallo kale oo amniga lagu sugayo” ayuu yiri gudoomiyaha.

Gaadiidka ka dhex shaqeeya deegaanada gobalka Shabellaha Hoose ayaa aad uga cabanaya Isbaarooyin xad dhaaf ah oo la dhigay meello ka mid ah gobalkaasi.

Goobjoog News