U bood dhigaalka

Antonio Guterres Iyo Wafdigii Uu Hoggaaminayey Oo u Ambabaxay Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka duushay diyaarad uu la socday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo wafdi caalami ah oo uu hoggaaminayey.

Mr. Guterres oo maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa kahor inta aanu u duulin magaalada Baydhabo waxa uu la kulmay madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo oo arrimo badan ay ka wada hadleen.

Arrimaha ay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres waxaa kamid ah, arrimaha abaaraha, cafimaadka, ammaanka, dib u dhiska dalka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Intaasi ka dib xoghaye Antonio Guterres iyo wafdigiiga ayaa aadey magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay kula kulmi doonaan madaxda K/galbeed, sidoo kale waxay u kuurgeli doonaan xaaladda abaarta ee ka jirta halkaasi.

Gobollada K/galbeed ayaa kamid ah gobollada dalka ugu daran ee abaarta dalka ka jirta, sidoo kalena waxaa halkaasi cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootey dad aad u badan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News