U bood dhigaalka

Antonio Guterres Oo Booqday Xeryaha Qaxootiga Ee Dhadhaab (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Antonio Guterres ayaa booqasho ku tagay Xeryaha qaxootiga ee Dhahaab Kenya, halkaasi oo dad badan oo Soomaaliyeed ku sugan yihiin.

Waxaa wehlinayay mas’uulkaan mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiiru dowlaha arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xidig, iyaga oo halkaasi kula hadlay qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed.

Guterres ayaa sheegay in uljeedka socdaalka uu ku tagay Dhadhaab ay tahay in uu u kuur galo xaaladda ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool, maadaama maalmihii ugu dambeeyay xaalad adag oo dhanka nolosha ah laga soo sheegayay.

Wasiiru dowlaha arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Xidig oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed loo sameyn doono dib u dejin, islamarkaana dowladda Federaalka ay ka war hayso xaalad walba oo dadkaasi ay ku sugan yihiin.

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab waa kuwa ugu weyn ee aduunka, waxaana ku nool Soomaali badan oo maalmihii dambe xaalad adag oo dhanka nolosha ah laga soo sheegayay.

Hoos ka daawo sawirada.

G4 G3 G2

Goobjoog News