U bood dhigaalka

Apple Oo Soo Kordhineysa Sameecado Buuqa Kaa Difaacaya

Shirkada Apple ayaa waxey ku dhawaaqday iney soo kordhineyso sameecado cusub oo buuqa kaa difaacaya, waxaa horumarin lagu sameynayaa sameecadda “AirPods” ee Wireless-ka ku shaqeysa, taas oo lagu soo kordhinayo adeeg cusub oo buuqa kaa difaacaya iyo mid kale oo biyaha adkeysi u leh.

Sida ay warbaahinta teknolojiyadda ka faallootaa ay qortay, “Apple” waxey soo kordhineysaa adeeg cusub oo qofka buuqa ka difaacaya oo lagu soo kordhinayo saameecadaha dhagaha ee AirPods, waxaana suuqa lasoo gelin doondo waqti ka mid ah sanadka 2019.

Apple sanadkan waxey soo kordhineysaa sameecado ku shaqeynaya adeegga Siri, iyadoo aan gacanta lagu isticmaaleyn, iyadoo suuqa la soo gelin doono waqti ka mid ah sanadkan 2018.

Sameecadahan cusub waxaa sii raacsan kuwo kale oo madaxa la gashado, Apple waxey ka shaqeynaysaa, sidoo kale;HomePod cusub oo sanadka soo aaddan soo baxaya.

Shirkadda ayaa la filayaa iney sii ballaariso xiriirka ay la leedahay shirkaddaFoxconn oo si weyn uga qeybqaadata sameynta qalabka iPhone, isla waqtigaa waxey dooneysaa iney yareyso ku tiirsanaanta shirkaddaInventec,  oo garab ka siisay soo saarista saameecadda AirPods iyo qalabka HomePod.

Goobjoog News