U bood dhigaalka

Aqalka Cad: Todobaad Gudahiisa, Labo Sarkaal Ayaa Isku Casilay Ashtakada Xaasaskooda

Sheeko:Dalka

Xoghayaha Shaqaalaha ee Aqalka Cad mudane Rob Porter ayaa Arbacadii la soo dhaafay ku dhawaaqay in uu xilkiisa iska casilayo, ka dib markii labadiisii xaas ee hore ay ku eedeeyeen in uu dili jirey wakhtigii ay isqabeen.

Xaaskiisii ugu horreysey, Colbie Holderness, waxaa ay baraha bulshada ku faafisay sawirro uu ka muuqdo nabar madaw oo isha kaga yaal, waxayna ku doodday in Porter uu dhaawacaas gaarsiiyey ka dib markii uu feer isha kaga dhuftay. Waxa kale oo ay sheegtay in uu si joogto ah u dili jirey, dhaawacyo kala duwanna gaarsiiyey.

Porter isaga oo eedayntan ka jawaabaya waxa uu yiri “eedaymahan ka-badbadiska ah waa been. Sawirrada lala wadaagey warbaahintana waxa aan qaaday 15 sanno ka hor, xaqiiqada ka danbaysana way ka fog tahay waxa la sheegay.”

Sidoo kale, waxaa eedayn tan la mid ah oo ka dhan ah mudane Porter soo bandhigtay xaaskiisii labaad, Jennifer Willoughby, oo ay iyana mar hore kala tageen Porter. Jennifer waxa ay sheegtay in Porter uu dabeecad ahaan mar degan yahay isla markaana qabaw yahay, mar kalena kulul yahay oo uu caro badan yahay. Waxa ay sheegtay markii ay isqabteen oo ay kala tegayeen in ay habeen isku buuqeen, dabadeedna uu garabka soo jiidey oo uu wax gaarsiiyey. Daily Mail kolkii ay Porter eedayntan wax ka weydiisey, waxa uu ku jawaabey “Arrimahan kama faalloon doono, waxaanna ku gaabsanayaa in eedaymahani ay yihiin sumcad-dil iyo beenabuur.”

sidoo kale, Jimcihii dhawaa waxa isna iscasilay mudane David Sorensen oo ahaa khudbad-qore Aqalka Cad ka tirsan ka bacdi markii ay xaaskiisii hore, Jessica Corbett, ku eedaysay in uu marar badan la dagaalamay waxna gaarsiiyey. Jessica Corbett waxa ay sheegtay in Sorensen uu gaari lugta ka mariyey, sigaar gacanta kaga dhejiyey, gidaar ku tuuray mar kalena timaha jiidey.

Mr. David Sorensen isaga oo eedaymahan ka jawaabaya waxa uu Washington Post u sheegay inaannu “weligii marnaba cunfi, nooc kastaba ha noqdee, u geysan haweenay noloshiisa oo dhan”. Sorensan waxa uu sheegay in sababta uu isku casilay ay ahayd in uu Aqalka Sare ka ilaaliyo culayska arrintan, waxa uuna ku dooday in xaaskiisu ay marar badan isaga feertay waxna gaarsiisey.

Eedaymaha noocan oo kale ah beryahan danbeba Maraykanka iyo guud ahaan waddamada reer Galbeedka si xoog leh ayay uga socdeen maaddaama oo uu xoogeystey ololaha #MeToo Movement, oo ah olole looga gonleeyahay in lagu soo bandhigo cunfiga iyo faraxumaynta haweenka loo geysto. Ololahani waxa uu bannaanka soo dhigay faraxumayn badan oo ay ku kaceen rag caan ah, wallow dadka qaar ay ku doodayaan in ay jiraan rag aan waxba galabsan oo beenabuur laga sameeyey oo uu ololahani gallaaftay.

Marka loo fiirsado sida fudud ee labadaas masuul ee Aqalka Cad ka tirsan ay isku casileen shaqadoodiina uga tageen, waxa kuu muuqanaysa sida damiirkoodu u nool yahay. Akhriste, bal suureyso haweenay mudane ka tirsan Villa Soomaaliya, amase Madaxtooyo kasta oo ku taal Geeska iyo guud ahaan Qaaradda Afrika, ku eedaysay in uu wakhtigii ay isqabi jireen dhaawac u geystey oo uu la diriray, sidee ayay falcelinta arrintani ahaan lahayd? Mase kula tahay in mudanahaasi iscasili lahaa oo shaqadiisana ka tegi lahaa?

Waxa xaqiiqo ah, inay dhif iyo naadir tahay in Soomaaliya sideedaba la arko qof xilkiisii iska casiley sabab kastaba ha keentee. Masuulka Soomaaliga ah amase Afrikaanka ah waa ay ku adag tahay amase liidnimo ayaa uu u yaqaannaa in la iscasilo, xitaa haddii sababtiisa ay naf waayaan boqolaal qof!

Goobjoog News