U bood dhigaalka

Aqalka Cad: Trump Oo Safiir Cusub U Soo Magacaabay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa arbacadii safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya kadib markii in muddo 9 bil ah  safaaradooda Soomaaliya ay safiir la’aan aheyd.

Mr, Trump waxaa uu safiirkiisa Soomaaliya u mgacaabay Donald Yamamoto , waxaa kale uu isla shalay magacaabay ambassador Kevin Sullivan oo u fadhin-doonna Nicaragua.

Safiirka Soomaaliya loo soo magacaabay ee Yamamoto, waxaa uu madax ka yahay xafiiska Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda, waxaa uu horay u soo noqday safiirka Mareykanka ee Itoobiya 2006-2009 iyo Djibouti  2000-2003.

October sanadkii hore, waxaa jagadan safiirnimada Mareykanka ee Soomaaliya iska casilay Stephen Schwartz, ninkan waxaa la sheegay inuu isku casilay arrimo isaga u gaar ah, laakin warar xilligaas soo baxay waxaa ay sheegeen inay isku dhaceen aqalka cad.

Mareykanka waxaa uu howlgallo ka dhan Al-shabaab ka fuliyaa gudaha Soomaaliya, waxaa uu sidoo kale ka mid yahay dalalka tababarka u fidiyo ciidamada Soomaaliya.

Sooyaalka Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka 1991-kii kadib:

Burburkii Soomaaliya 1991-kii, Mareykanka waxaa dadkiisa ka gurtay Soomaaliya bishii January 1991 isagoo daad-gureeyay diblomaasiyiin iyo rayid ku sugnaa xarunta Siligga Mareykanka ee Xaafadda Madina.

kadib, waxaa dalka soo galay ciidamo nabad ilaalin oo Qaramada Midoobey ka socdey kuwaasi oo hogaaminayay  Mareykanka , muddo kadib howl-galkaas waxaa uu fashilmay markii ay isku dhaceen Mareykanka iyo Hogaamiye General Caydiid.

October 3, 1993: Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force ayaa isku dayey in ay qabtaan Jeneraal Maxamed Farax Caydiid kaasi oo la tuhunsanaa in uu ku suganyahay  Hotel Olympic ee xaafadda Howl-wadaag, balse dagaal halkaas ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo Caydiid, Mareykanka waxaa laga dilay 18 askari iyo in ka badan 70 halkaas ayaa lagu dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500 ku dhinteen, halka  1,000 ka badana ku dhaawacmeen.

Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya  1994-kii bilo kadib markii 18 askari looga dilay dagaal dhex maray Mareykanka iyo Caydiid, waxa kale oo uu Maraykanka dalka kala baxay safiirkii u fadhiyey Soomaaliya Roberth Oakley.

Xiligaas wixii ka dambeeyay Mareykanka waa uu ka niyad goostey  Soomaaliya, Waxana uu kaliya u soo magacaabi jirey dublamaasiyiin darajadoodu hooseyso oo ah kaaliyeyaal inta badan fadhigoodu ahaa waddamada dariska ah.

La Dagaalanka Islaamiyiinta:

Mareykanka waxaa uu dib ugu soo laabtay dhacdadii September 11, 2001-dii iyo weerarkii lagu qaaday daarihii mataanaha ahaa ee Newyok, Mareykanka waxaa uu khatar u arkay islaamiyiinta Soomaaliya, maalintaas wixii ka dambeeyay waxaa uu Soomaaliya ka fuliyay weeraro iyo dilal qorsheysan sida dilal loo geystay hogaamiyeyaashii Al-shabaab  dilkii Aden Hashi Ceyrow ee May 1, 2008 iyo Axmed Godane ee September 1, 2014-kii iyo hogaamyeyaal kale…..Drones-ka  Mareykanka marka karta waxaa ay fuliyaan duqemo.

Soo Celinta Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka:

January 17,  2013: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar ku tagay dalka Mareykanka, dowladda Maraykanka ay sheegtey in markii ugu horeysey ay aqoonsatay dowlad Soomaaliyeed oo rasmi ah oo Soomaaliya ka jirta.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa uu Mareykanka qaaday tilaabooyin kale sida Qaadidda Cunaqabadeyna Hubka  Soomaaliya  March 6, 2013 iyo Obama oo saxiixay in Taageero militari la siiyo Soomaaliya  April 1, 2013.

February 24, 2015, Obama ayaa safiir u magacaabay Katherine Simonds Dhanani taas oo markii dambe iska diiday jagadaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa May 5, 2015-kii u balanqaaday Mareykanka dhul KMG si safaarad uga dhigtaan,  xilligaas waxaa dalka booqasho ku jooray xogheyaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry .

January 12, 2015: Madaxweyne Obama waxaa safiirkiisa Soomaaliya u magacaabay Stephen Michael Schwartz, kaas oo is-casilay October 2017.

July 11, 2018, Madaxweyne Trump ayaa Donald Yamamoto u magacaabay inuu noqday safiirka dalkaasi u fadhiyo Muqdisho.

Haddab, safiirkan cusub, Dowladda Mareykanka waa in ay qaadaa tillaabooyin muhiim ah sida: taageeridda hey’adaha dowliga ah ee dalka, in Soomaaliya yeelato ciidan awood leh oo bedela AMISOM iyo ciidamada kale ee xeebaheena jooga, in dalku yeesho Lacag iyo Bank dhexe oo xoog leh, awoodsiinta dowladda dhexe, in ciidamada ka socda wadamada dariska ku cadaadiso in ay baxaan Soomalaiya iyo in dalkeena uu noqdo dalka cagahiisa isku taaga..

Goobjoog News