U bood dhigaalka

Baarlamaanka Somaliland oo Cod Aqlabiyad leh Ku meel Mariyay Go’aankii kala Qaadista Doorashooyinka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka maamulka Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargysa ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay go’aankii madaxweyne Siilaanyo ee kala qaadista doorashooyinka.

Kulanka golaha ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha Baashe Maxamed Faarax iyadoo ay soo xaadireen kulanka xubno gaaraya illaa 59 xildhibaan, iyadoo ajandaha horyaallay golaha uu ahaa muddo kordhinta aqalka hoose ee baarlamaanka iyo kala qaadista labada doorasho.

Kala qaadista doorashada waxaa ogolaatay 52 xubnood halka ay diideen 5 xildhibaan, iyadoo hal xildhibaanna uu ka aamusay, guddoomiyahu ma’aanuu codeyn, iyadoo sidaa lagu meel mariyay kala qaadista labada doorasho ee kala ah tan madaxtooyada iyo baarlmaanka Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa horraantii bishan soo saaray go’aan madaxweyne oo lagu kala qaaday doorashooyinka madaxtooyada iyo tan baarlamaanka maamulka oo markii ugu horreysay noqon lahayd in si wadajir ah loo qabto 17 March 2016.

Goobjoog News