U bood dhigaalka

Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Si Degdeg Ah Dib U Eegis Ku Sameyanaya Shan Qodob Oo Dastuurka Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Todobaadkan waxaa golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ka hor dhigay xeerhoosaadka golaha iyada oo lagu taliyay lifaaq kale oo ah in dib u eegis deg deg ah lagu sameeyo illaa 5 qodob.

Qodobada Ayaa Kala Ah:

  1. Qof kasta oo noqonaya madaxweyne muddo xileedkiisana ku dhameyta si caadi ah waxaa uu noqonayaa xubin ka mid ah aqalka sare oo joogta ah.
  2. In la waafajiyo qodobka 71aad, faqradiisa (i) iyo qodobka 113 kuwaas oo sheegaya in la wadaago magacaabista xubinaha guddiyada madaxabanaan ee heer federal.
  3. Xil ka qaadista madaxweyne qodobka 92aad waxaa uu leeyahay golaha shacabka ayaa mooshin ka keeni kara iyada oo aqalka sare oo wax ka ridi kara uusan ka keeni Karin.
  4. Furitaanka kalfadhiyada aqalka sare ma cadda in madaxweynaha furaayo, xiraayo, in fadhi sanadle ah la yeelanaayo ama u yeero karo taas oo nusqaamineysa heybadda aqalka sare.
  5. Qodobka 81aad faqradiisa 2aad waxaa uu ka hor imaanayaa qodobkaan faqradiisa kale iyo qodobka 82aad iyo 83aad ee dastuurka oo siinaya aqalka sare awoodo diidmada iyo ogolaashiyaha hindise sharciyeed.

Goobjoog News