U bood dhigaalka

Aqalka Sare: Guddoomiye Ku Xigeen Abshir Bukhaari Oo Tacsi Ka Direy Geerida Sheekh Shariif Cabdi Nuur

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa tacsi ka direy geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Shariif Sheekh Cabdi Nuur Shariif Xasan oo ku geeriyoodey dalka Sacuudiga.

Mudane Bukhaari ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehlada marxuumka wuxuu uga tacsiyeeyay geerida Sheekha, isaga oo allaha uga baryey inuu Jannatul Firdow ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Sheekh Shariif Cabdi Nuur ayaa ku dhintey magaalada barakeysan ee makka Al-mukarrama, halkaasi oo uu ku xanuunsanayey.

Sheekha ayaa kamid ahaa culimada ugu caansan ee Soomaaliyeed, isaga oo wax soo baray culimo badan oo dalka caan ka ah, diintana dadka bara.

Goobjoog News