U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Amar Dul Dhigay Villa Somalia (Cod+Akhriso)

Sheeko:Amniga

War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga joogtadda ah ee Aqalka Sarre ayaa lagu faray Villa Soomaaliya inay jawaab kasoo bixiso qodobo, kuwaasi oo xudun u ah in xal laga gaaro khilaafka dowlada Federaalka ah iyo maamuladda.

Guddoomiyaha gollaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warbaahinta u akhriyay qoraalkaan ayaa ugu horeyn xusay in madaxda maamul goboleedyadda ay ka codsadeen inay joojiyaan kulamadooda, taasi oo ay ka ogolaadeen.

Mudane Cabdi Xaashi ayaa intaas raaciyay hadalkiisa,  in madaxda dowladda Federaalka ay ku guuldareysteen in ay soo gudbiyeen jawaab la xiriirta cabashooyinka maamullada iyo mowqifkooda dhex-dhaxaadinta Gollaha.

“Labo jeer ayaan waydiisanay [maamuladda] wayna naga ogolaadeen. Markii ugu dambeysay waxay ahayd 19-kii bishaan, mana aan waydiisan, maadaama dowladii aanan laga haynin wax jawaab ah,” ayuu yiri Gudoomiye Xaashi.

Illaa 22-ka bishaan ayuu sheegay in ay ka sugayaan madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo xukuumaddiisaba jawaab cad oo arrinta khilaafka ku saabsan.

HOOS KA DHAGEYSO:

HOOS KA AKHRISO:

Goobjoog News