U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Ansixiyay Xeer Hoosaadka Golaha

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xeer hoosaadkooda kadib in ka badan 15 maalmood ay ka doodayeen.

Aqalka sare ayaa xaruntooda isugu yimid kulanka 21aad, kalfadhiga koobaad, kulankan waxaa soo xaadiray illaa 34 mudane, waxaa sidoo kale Goobjoog ahaa oo shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari).

Xeer hoosaadka maanta la ansixiyay waxaa soo diyaariyay 7 xubnood oo golaha ka tirsan, waxaa uu ka kooban yahay 10 cutub,  98 qodob, Xildhibaannada ayaa mid mid uga dooday, una saxay qodobadda xeer hoosaadka tiiyoo keentay in ugu dambeyntii maanta la ansixiyo.

Golaha aqalka sare ayaa lagu wadaa in beri wixii ka dambeeya ay guda galaan dhismaha guddi hoosaadyada, si bisha dambe bilowgeeda ay fasax u galaan.

Sawirradan Waxaa Maanta Soo Qaaday Goobjoog News

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera
Goobjoog News