U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Baaq Kasoo Saaray Xasilooni Darada Koonfur Galbeed Iyo Dagaallo Dhex-maraya Soomaalida Iyo Oromada

Sheeko:Dalka

Guddiga  Joogtada   ah  ee  Golaha  Aqalka  Sare oo maanta kulan  9aad  Kalfadhiga   4aad  ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xasilooni  darada  ka taagay koonfur galbeed  ayaa baaq ka soo saaray arrintaas iyaga oo sidoo kale baaq kale u diray dagaal ka socda tuulooyinka dhaca xuduudaha  u dhaxeeya Deegaannada   Soomaalida  iyo Oromada.

Qoraalka Waxaa uu u Qornaa:

Guddiga  Joogtada   ah  ee  Golaha  Aqalka  Sare:

ISAGA 00   GUDANAYA  waajibkiisa  dastuuriga  ah ee uu ku matelayo dawladaha xubnaha  ka ah dawlada Federaalka

ISAGA 00    XOG  OGAAL U  AH  xasilooni  darada , nabadgeloyo   iyo mida siyaasadeed  ee ka taagan  rnagaalada  Baydhabo  ee dawlad  goboleed Koonfur  Galbeed;

  • Waxa uu  tacsi  tiiraanyo  leh u dirayaa  ehelada  iyo  qoysaskii   dadkii Soornaaliyeed    ee  ku  geeriyooday   arna  waxyeelo   ka  soo   gaaraty qalalaasha iyo rabshadihii  ugu darnbeeyey  ee rnagaalada  Baydhabo.
  • Guddiga  Joogtada   ah  ee  Golaha   Aqalka   Sare  isaga   oo   welwel xoogan  ka  qaba  in  xaalada  arnni  iyo  rnida  rnaarnul  ay  faraha  ka baxdo  ayuu waxa  uu ugu baaqayaa  dharnrnaan  dhinacyada  ku lugta leh xaalada  ka taagan  rnagaalada  Baydhabo  in  ay joojiyaan   colaada iyo qalalaasaha  ayna si nabadgelyo  iyo wadahadal  ah ku soo afjaraan is    rnaandhaafka    taagan   si  loo   soo   celiyo   nidaarnka    iyo   kala darnbeynta  Magaalada  Baydhabo.
  • Guddiga  Joogtada  ah ee  Golaha  Aqalka  Sare  waxaa  ugu  baaqayaa dhamaan  mas’uuliyiinta   iyo shacabka   dalwad  goboleedka   Koonfur Galbeed  in ay si wadajir  ah u dhowraan   Dastuurka   iyo Sharciyada kale   ee   dawlad   Goboleedka    si   ay  u   suurtagasho    qabsoomida doorasho  xor iyo xalaal ah.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha  Aqalka Sare isla kulankiisa maanta  oo ay taariikhdu  tahay 15 Dec.  2018  wuxuu  ku guddoonsaday:

ISAGA 00   SI DHOW  ULA SOCDAY dilalka iyo xasuuqa  ka socday in muddo  ah deegaanada  ay wada  degaan  ama ay deriska  ka wada yihiin Qowmiyadda    Soomaalida   iyo  Oromada    ee  ay  ka  mid   yihiin Tuulli-Guleed,  Dheekaa,  Mooyaale,  Shinniile,  Faafan,  Feeracad  iyo tuulooyinka dhaca xuduudaha  u dhaxeeya Deegaannada   Soomaalida  iyo Oromada.

ISAGA   00      XOOJINAYA    nabadgelyada     iyo   wadanoolaanshaha Qowmiyadda  Soomaalida   iyo Oromada.

  • Waxa ugu baaqayaa mas’uuliyiinta   deegaanadaas  in ay si degdeg  ah u        soo    farageliyaan   dagaaladaas    si   loo    joojiyo    colaadaha    soo noqnoqday ee deeganada  kor ku xusan kuwaas oo sababay  dilal, dhaawacyo,  barakac iyo burbur  hantiyeed.
  • Waxa uu  Guddiga   joogtada   ah ee Goluhu   ugu baaqayaa  shacabka qowmiyadaha   Soomaalida  iyo Oromada   in ay joojiyaan  colaada  ka dhex  taagan  kuna  wada  noolaadaan   nabadgelyo   iyo  deriswanaag iyaga  oo   dhowraya   mabaadiida   1yo  shuruucda   caalamiga   ah  ee Xuquuqul  Aadanaha.

Goobjoog News

Mawduucyada:Aqalka Sare