U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Baaq u Diray Mas’uuliyiinta Galmudug, Akhriso Qoraalka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare ayaa maanta waxaa uu soo saaray baaq ku aadan sidii loo dejin lahaa khilaafka mas’uuliyiinta Galmudug iyaga shacabkana ku dhiirigeliyey inay taageeraan dhex-dhexaadinta golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Qoraalka Aqalka Sare Oo Dheeraa Waxaa Uu u Qornaa:

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare wuxuu ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Galmudug in la ilaaliyo midnimada iyo wada shaqeynta hey’adaha dastuuriga ah, lana soo celiyo wada shaqeyntii ay hey’adaha lahaayeen ka hor khilaafka haatan jira.

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare wuxuu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada khilaafka Galmudug;

  • In marnaba aan la aqbali karin inay sii socdaan dhaq-dhaqaaqyada lagu burburinayo hoggaanka hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug(xukuumad iyo baarlamaan) iyada oo golaha aqalka sare uu ku jiro dadaalo ku dhex-dhexaadinayo dhinacyada khilaafka Galmudug isla markaana aqalka uu garwadeen ka yahay sidii loo heli lahaa xal waara oo ay wada gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
  • Dhex-dhexaadinta aqalka sare waxaa ay ambaqaadeysaa midnimada iyo wadajirka hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug, sidaasi darteed, waxaa saameyn ku yeelan meyso xil ka qaadis horay u dhacday iyo kuwoo soo socda.

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare wuxuu ugu baaqayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Galmudug inay ka qeybqaataan dadaallada xal u raadinta khilaafka ka dhex jira hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug isla markaana ay taageeraan dhex-dhexaadinta golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya

Goobjoog News