U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Berri Ka Doodaya Dhiibista Qalbi-dhagax, Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Ajendahooda Mideeyay Isniinta

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare oo maanta kulan isugu yimid xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa go’aansaday in Ajendahooda kulanka berri oo isniin ah uu noqdo ka doodista dhiibista xukuumadda Soomaaliya ee Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in arrinka Qalbi-dhagax ay tahay ajendaha ugu horreeya ee golaha, lagana doodi-doono qaabka ay u dhacday gacan-gelintii Qalbi-dhagax.

Warar ku dhaw kulanka guddiyada joogtada ah ee aqalka sare ayaa Goobjoog News u sheegay in Xildhibaannada isku ballansadeen kulanka berri ah in aan laga baaqan, isla markaana aan loo baahneen in loo yeero wax xukuumadda federaalka ah ee Xildhibaannada keliya ay ka doodi-doonaan.

Arrinta mar haddii ay ku saabsan tahay arrimo  la xiriira dastuurka iyo meel-ka-dhac lagu sameeyay qodobadiisa, xeerarka caalamiga ah oo lagu tuntay iyo sharciyo la sheegao in Qalbi-dhagax lagu dhiibay, arrimaahaasi oo dhan waxaa ay qeyb ka yihiin shaqada aqalka sare.

Qaar ka tirsan golaha wasiirrada ayaa lagu eedeeyay in ay is hor-istaageen kulankii golaha shacabka ee sabtidii dhici lahaa, aqalka sare kuma jiraan Xildhibaanno wasiiro ah, waana adag tahay in taasi dhacdo.

Warar Arrinkan la xiriira:  Warbixin: Xildhibaannada Oo Ku Kala Qeybsan Go’aanka Xukuumadda, Kulanka Sabtida Ayaa La Isku Ballansaday

Xukuumadda Xasan Kheyre oo mar-marsiyo u raadineysa qaabka ay Cabdikarim Qalbi-dhagax ugu gacan-geliyeen Itoobiya ayaa sheegtay in Cabdikarim Qalbi-dhagax uu xiriir lala lahaa xarakada Al-shabaab, iyaga oo dhaq-dhaqaaqa taariikhiga ah ee ONLF ugu yeeray koox argigixiso ah.

Akhriso, War Murtiyeed Ay Kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya May 2016:

Sidoo Kale, Isha Mari: Heshiiska Xildhibaan Mahad Salaad Lala Xiriirinayo Ee 2015-kii

Isniinta waxaa lagu wadaa in ay fariistaan labada aqal ee baarlamaanka, arrinta mid weliba ajendihiisa ugu horeeya waa ka doodista sida xukuumadda Kheyre ay ugu gacan-gelisay Qalbi-dhagax talista Adis Ababa.

Goobjoog News,