U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Dhageysanaya Warbixinta Guddi Ay u Saareen Arrinta Khilaafka Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay warbixin ka dhageysan-doonaan guddi 7 xubnood ah oo ay u saareen ka qeyb qaadashada xal u raadinta khilaafka golaha shacabka.

Guddiga xal u raadinta khilaafka golaha shacabka ayaa la sheegayaa in ay la kulmeen dhammaan qeybaha kala duwan ee khilaafkan uu khuseeyo, iyaga oo diyaariyay warbixin dhameystiran taas oo ay maanta hor-dhigi-doonnaan guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare.

 

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare, waxaa uu guddoonsaday isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ku qeexan qodobadka 61aad, faqradiisa 1aad, waxaa 17-kii bishan magacaabay  guddi ka qeyb qaato xallinta khilaafka soo kala dhex-galay golaha shacabka guddigaasi, guddiga ayaa kala ahaa

  1. Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, Guddoomiye
  2. Senator Mowliid Xuseen Guhaad, Xubin
  3. Senator Zamsam Ibrahim Cali, Xubin
  4. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Xubin
  5. Senator Maxamud Axmed Mashruuc, Xubin
  6. Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, Xubin
  7. Senator Muhyudiin Sheekh Cali Jaamac, Xubin

Goobjoog News