U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Dib U Dhigay Dooddii Dhiibista Qalbi-dhagax Si Ay Uga War-sugaan Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada aqalka sare ayaa maanta dib-u-dhigay dooddii loo ballan-sanaa ee dhiibista xukuumadda Xasan Kheyre ee Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Xildhibaannada ayaa ku kala qeybsamay arrinta, Xildhibaanno ay ku jiraan Axmed Xaashi iyo Muuse Suudi waxaa ay soo jeediyeen in arrinta laga doodo halka Xildhibaanno kale uu Qoon-jeex ka mid yahay ay sheegeen in loo baahan yahay in laga war-sugo doodda ka dhaceysa golaha shacabka iyo go’aanka ay qaadan-doonaan si markaasi kadib uu aqalka sare arrinta u soo farageliyo.

Intaasi kadib, guddoonka golaha aqalka sare ayaa cod-geliyay in doodad la wado maanta iyo in la sugo go’aanka golaha shacabka

Natiijada Codadka ayaa noqotaya:

Waxaa ogolaaday in la sugo go’aanka golaha shacabka: 21

Waxaa diiday in la sugo Golaha shacabka: 11

Waxaa Ka Aamus: 4