U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Guddi U Saaray Khilaafka Dowladda Federaalka Ah Iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maalintii 2aad Aqalka sare looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Kalfadhiga labaad kulankiisa 12aad ee aqalka sare oo ay soo xaadireen 28 xildhibaan isla markaana uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenla koowaad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari ) ayey Xildhibaannada ka hadleen sida ay u arkaan khilaafaadka.

Senator Maxamud Axmed Maxamud(Mashruuc) oo goobta ka hadlayaa sheegay in aan la joogin xiligii laga hadli lahaa yaa qaldan iyo yaa saxan ee xal loo baahan yahay“Dowladii dhexe markii ay burburtay illaa iyo maanta, dowlado KMG ah oo ku saleysan mab’ada dib-u-heshiisiinta ayaa Soomaaliya ka jiray, mabda’aasi waxaa uu keenay in aan laga shaqeyn sax iyo qalad ee laga shaqeeyo waxa la dhaho xal, haddii aan ku eegno doodda jirta yaa saxan, yaa qaldan waxaa ay adkaanaya in xal la gaaro, laakin waxaan ku eegeynaa xalku muxuu yahay, sidee uga gudbi karnaa hadda meesha aan taagannahay, horayna uga socon karna.. Maanta dalka waxaa ka jira mushkilad u baahan in la isu tanaasulo, la isku yimaado, la isku adoonsano, Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay inay iskaashadaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada”

Senator Zamzam Daahir Maxmud waxaa ay qabtaa in la saxo dastuurka: Aniga waxaan qabaa arrinta ugu muhiimsan oo in aan ka shaqeyneyno in ay tahay dastuurka, dastuurkan yarka ee KMG ah waxyaabaha ku qoran isma waafaqsana, waa iska horimaanayaan, waxaa qabaa labada guddi ee dastuurka in aan xoojinno, oo kula xisaabtanno in la kala cadeeyo  mas’uuliyadaha dowladda ay leedahay iyo midka dowlad goboleedyada leeyihiin…oo dastuurkan aanu nala gaarin 2018, oo inta sanadkan lagu jiro cadeyno”

Senator Yusuf Geelle Ugaas waxaa uu ka hadlay sida ay u fiican tahay tanaasullaada madaxweynaya “ Runta waxaan is leeyahay, haddii madaxweynaha shalay oo 28ka casuumaadaas bixin laheyn, culeys badan ayuu naga dajiyay, oo xaaladda aad ayey noogu adkeyd, laakin…madaxweynuhu tanaasulaad ayuu sameeyay, waxaa uu u yeeray maamulladii, waxaan leenahay arrintaas waa tillaabo horay loo qaaday oo tilaabo fiican ah, madaxweynaha waxaan ku baraarujinayaa in tillaabadaasi qaato, oo raggaas la fariisto, oo danta laga shaqeeyo”

Waxaana gebegebadii kulanka ka hadlay Shir guddoomiyaha Abshir Bukhaari  isaga oo Senatorrada uga mahadceliyay dooddii qiimaha badneed ee labada maalmood uga hadleen khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleeduada, waxaa uu ku dhawaaqay in arintaasi xalinteeda ay guddi u xilsaarayaa, si ay qoraal ula tagaan kulanka 28-ka bishan la filayo in uu dhex-maro madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

Goobjoog News