U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Heshiis La Galay Shirkad Kala Talisa Sharciyada Iyo Tababarka

Sheeko:Baarlamaanka

Xarunta aqalka sare, waxaa maanta ku kulmay gudoonka golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Max planck foundation ee Soomaaliya, waxaana  looga hadlay wada shaqaynta golaha iyo hay’adda

Warar ku dhow kulanka waxaa ay sheegayaan in la kala saxiixdey heshiis ku saabsan Latalin sharciga, arimaha dastuurka iyo tababarida shaqaalaha golaha aqalka sare,  heshiiskan dhinaca golaha aqalka sare baarlamaanka federaalka soomaaliya waxaa u saxiixay gudoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi  halka hey’adda Max planck foundation ee Soomaaliya uu u saxiixay  JAN SCHMIDT.

kulanka markuu soo gaba gaboobay ka dib waxaa saxaafada la hadlay  madaxa Max planck foundation ee Soomaaliya JAN SCHMIDT  iyo Cabdi Kaafi Macalin Xasan habdhooraha golaha aqalka sare iyaga oo ku dheeraaday ahmiyadda heshiiska iyo sida uu muhiim ugu yahay aqalka sare.

Goobjoog News