U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Ka Dooday Abaaraha, Ansixiyana Astaanta Golaha

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta xarunta aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ka dhacay kulankii 7aad, kalfadhiga 1aad ee golaha iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen 45 xildhibaan oo ka tirsan aqalka.

Kullankan waxaa u dhammaa dhamaan guddoonka aqalka sare, Guddoomiye Cabdi Xaashi, guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mowliid Xuseen Guhaad

Xildhibaannada ayaa ugu horreyntii waxaa ay ka hadleen soo jeedin ku saabsan ka qeyb galka gurmadka abaaraha dalka ka jira, waxaa halkaas ka halday xildhibaanno badan iyaga oo sheegay in aqalka loo baahan yahay in uu wax ka qabto abaaraha dalka, waxaana goobta lagu yaboohay lacago, tirada ugu yar waxaa ay aheyd $1,000.

Labo guddi oo ka mid ahaa guddiyadii KMG ahaa ee aqalka sare ayaa meesha ka soo jeediyay warbixinno, guddiyadaas ayaa kala ahaa: ansixinta astaanta aqalka sare iyo warbixin laga dhageystay guddiga shaqaaleynsiinta.

Weriyaha Goobjoog News ee goobta joogay waxaa uu sheegaa in la ansxiyay astaanta aqalka sare, lana soo bandhigi doono fadhiga xiga.

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera
Goobjoog News