U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Ka Doodaya DP World

Sheeko:Dalka

Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta ka doodaya heshiisyada shirkadda DP World.

Ajendaha ayaa waxaa kale oo ku jira dhageysiga  Warbixinta Guddoonka Aqalka sare, Ka doodista weerarkii guriga Senator Cabdi Qaybdiid.

Arrintan waxaa ay imaaneysaa ka dib markii shalay Golaha Shacabku xeer ka soo saaray heshiiska Berbera, Golaha Shacabku waxaa uu shirkadda DP World ka mamnuucay dalka, waxaa kale oo uu baabb’iyay heshiiska Berbera.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuuna leeyahay masuuliyad sharci-dejin.

Goobjoog News