U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Ka Doodaya Go’aankii Golaha Shacabka Ka Qaateen DP World

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta dood adag ka yeeshay arrinta DP World ayaa go’aan ka gaarista xeerka DP World u dib dhigay maalinta berri ah.

Aqalkan oo matala maamul goboleedyada ayaa looga fadhiyaa in ay falanqeyn kadib ama uu go’aanka ku raaco golaha shacabka ama iska diidaan.

Senatorrada furitaanka kulanka 2aad ee kalfadhiga 3aad soo xaadiray ayaa ahaa 41, waxayna xildhibaannada ku kala aragti duwan yihiin xeerka  uu baarlamaanka soo saaray.

Kulanka waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaasi, waxaa kale oo joogay guddoomiye ku xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad Mowliid Xuseen Guhaad.

Doodaha arrinta xeerka DP World oo aad u kulul ayaa soo gaaray illaa salaaddii duhur, iyadoo salaadda kadibna hadane la bilaabay doodda, markii waqtiga dheeraadana la isku afgartay in berri la sii wado.

Mudanayaasha qaar ayaa soo jeediyey in iyadoo la eegayo qarannimada Soomaaliya hadane dib loo eego qaraarkaasi oo aan lagu degdegin, halka qaarna ay soo jeediyeen in aan wax kale la sugin oo golaha shacabka lagu taageero xeerkan.

Isniintii, golaha shacabka ayaa xeer ka soo saaray shirkadda DP World, shirka ayaa laga mamnuucay dalka, waxaana lagu eedeeyay iney ku xadgudubtay midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News