U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Ka Doodaya Sharciyadooda Ansixinta Miisaaniyadda

Sheeko:Baarlamaanka

Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya sharciyadda ay u leeyihiin ansixinta miisaaniyadda qaranka.

Arrintan ayaa timid kadib markii golaha shacabka markuu ansixiyay miisaaniyadda si toos ah ugu diray madaxweynaha, qaabkaas oo aqalka sare qalad u fahmay.

Waxaa xusid mudan in Aqalka sare ee baarlamaanka 10aad ay kulankoodii 5tii November ansixiyeen qodob lagu daray xeerhoosaadkooda oo dhigaya in ay ansixin karaan miisaaniyadda oo markii hore ko koobneyd golaha shacabka.

Wararka arrintan la xiriira kala soco, Goobjoog News

Goobjoog News