U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo La Horkeenay Warbixin La Xiriirta Weerarkii Guriga Senator Qeybdiid

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 1aad ee kalfadhiga 3aad ee Aqalka sare oo hadda ka socda xaruntooda ayaa looga hadlayaa weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Cawaalle Qeybdiid December 30, 2017.

Qodobbada goobta laga sheegay waxaa ka mid ah in  60 maalmood ka badan ay ka soo wareegtey markii  weerarkaasi dhacay, ilaa haddana tallaabo sharci ah laga qaadin ciddii ka dambeysay.

Qeybdiid, waxaa uu Baarlamaanka ka codsaday in Sharciga la horgeeyo cidii weerarkiisa ka dambeysay, isaga oo soo jeediyay in Natiijada Baaritaanka la xiriira weerarka guriga lala wadaago baarlamaanka iyo shacabka.

Cabdi Qeybdiid oo goobta ka hadlay waxaa uu yiri “Gurigeyga waxaa lagu tuhmay in uu joogo ninkii hoggaaminayey qaraxii october 14”.

Waxaa hadda hadlaya qaar ka tirsan Senatorrada iyaga oo taageeraya Cabdi Qeybdiid, kuna tilmaamay wixii dhacay dambi laga galay qaranka, kuna baaqaya in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gudbiyo natiijada baaritaanka.

Goobjoog News