U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Lagu Ammaanay Kaalinta Xal u Helidda Khilaafka Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Tan iyo markii uu bilowday khilaafka golaha shacabka ee mooshinka guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan, golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu si gaar ah isaga xil-saaray xal u helidda khilaafka.

March 17, 2018: Khilaafka oo 3 maalin jira, si aanu u sii xoogeysan kala qeybsanaanta golaha shacabka iyo xasilooni darrida, kulan uu yeeshay guddiga joogtada ah ee aqalka sare waxaa uu guddi 7 xubnood ah u saaray ka qeyb-qaadashada xalinta khilaafka golaha shacabka, guddiga waxaa hoggaaminayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi.

March 21, 2018: Guddigii aqalka sare ee xal u helidda khilaafka golaha shacabka ayaa horyimid guddiga joogtada ah ee golaha  iyaga oo warbixin ka siiyay kullamada ay la qaadeen guddoomiye Jawaari iyo labadiisa ku-xigeen, Ra’isul wasaare Kheyre iyo madaxweynaha jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Talooyinka ay guddiga soo jeediyeen maalintaasi waxaa ka mid ahaa:

  1. Guddiga waxaa uu ka codsanayaa dhinacyada khilaafka soo kala dhex-galay ee golaha shacabka in ay joojiyaan dhammaan ololaha siyaasadeed iyo fariimaha warbaahinta la isku weydaarsanayo eek u wajahan khilaafka mooshinka ka dhashay, inta xal laga gaarayo arrimaha kale ee la xiriira khilaafkan.
  2. Guddiga waxaa uu soo dhoweynayaa aqbalaadda guddoomiyaha golaha shacabka uu aqblay Maarso 18, 2018, sharciyadda mooshinka khilaafka dhaliyay.
  3. Guddiga waxaa ugu baaqayaa guddoonka golaha shacabka shirka guddiga joogtada ah sida ugu dhaqsaha badan si loo agaasimo hab-raaca mooshinka ka yaallo guddoomiyaha golaha shacabka.
  4. Guddiga aqalka sare, waxaa uu ballan-qaadayaa inuu diyaar u yahay inuu korjooge ahaan uga qeyb-qaato shirka guddiga joogtada.
  5. Guddiga waxaa uu soo jeedinayaa in mooshinka maamulkiisa loo maro I waafaqsan qodobka 65aad, faqradiisa 4aad ee dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobka 9aad faqradiisa 4aad ee xeer-hoosaadka golaha shacabka.
  6. Guddiga waxaa uu mar 2aad soo jeedinayaan in ciidankii sugayey ammaanka golaha shacabka sugayey lagu celiyo sidii uu ahaa khilaafka ka hor.
  7. Waxaa uu mahadceliyay madaxweynaha, guddoomiyaha golaha shacabka, ku-xigeennadiisa, ra’isul wasaaraha iyo shacabka.

March 25, 2018: Kulan kale oo Aqalka sare ka yeeshay khilaafka golaha shacabka ayaa dhacay, iyaga oo ku celiyay in laga fogaado xasilooni-darri siyaasadeed iyo khilaaf baarlamaanka dhexdiisa ah iyaga golaha shacabka kula taliyay:

1 . U midoobaan gudashada waajibaadka dastuuriga ee kaga aadan maareynta mooshinka laga keenay Guddoomiyaha golaha shacabka , si waafaqsan qodobka 65-aad faqradiisa 4-aad ee Dastuurka dalka qodobkiisa 9-aad faqradiisa 4-aad iyo 5-aad ee xeer Hoosaadka Golaha shacabka.

2 . Dhammaan xubnaha Golaha Shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay ilaaliyaan midnimada guud ee golaha shacabka iyo danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

Aqalka Sare waxaa uu soo jeediyay: Waakhtiyeynta Aqbalaada Mooshinka Golaha Shacabka

B . Si looga fogaado is qab-qabsiga muddada mooshinka Guddigu waxa uu arkaa in aqbalaada mooshinka laga soo bilaabo Maarso 18, 2018.

T . Si looga badbaado xasiloonni darro siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale. Guddigu wuxuu ku talinayaa :

1 . In dhiacyada khilaafku khuseeyo muujiyaan tanaasul iyo wada shaqeyn buuxda.

2 . Aqalka sare waxaa uu diyaar u yahay korjoogeynta iyo fududeynta sida ay ku dhici lahayd dooda, iyo codeynta iyagoo la kaashanaya masuuliyiinta ay khuseysoee Golaha Shacabka.

3 . Haddii lagu guul dareysto maareynta mooshinka ka yaal guddoomiyaha Gudoomiyaha golaha shacabka sida : in la horkeeno Golaha, laga dodo, loona codeeyo inta ka horeysa muddada sharcigu cayimay, guddigu wuxuu arkaa in mooshinkaasi uu buraayo.

Waxaa kale oo codsi u direen dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo in ay ka shaqeeyaan meelmarinta talooyinka Guddiga aqalka sare iyaga oo madaxweyne Farmaajo oo ah ilaaliya sarreynta sharcigu ka dalbaday in uu culeys ku saaro dhinacyada ay khuseyso sidii xal looga gaari lahaa loona meelmarin lahaa talooyinkan.

Hadaba, guddiga badbaado oo qeyb ka ah xildhibaannada golaha shacabka ayaa isniintii shir jaraa’id oo ay ku qabteen Villa Hargeisa ee magaalada Muqdisho, waxaa ay golaha aqalka sare uga mahadceliyeen kaalintiisa iyo sida uu uga shaqeeyay xal u helidda khilaafka golaha shacabka iyaga oo adkeeyay in la fuliyo dhammaan talooyinka uu soo jeediyay.

Goobjoog News