U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Maanta Go’aaminaya Sax Iyo Qalad Ahaanshiyaha Go’aankii Lagu Dhiibay Qalbi-dhagax

Sheeko:Dalka

Ajendaha Aqalka sare kulankaooda maanta, waxaa uu go’aan ka gaari-doonaa sax iyo qalad tillaabadii ay Xukuumadda Kheyre ay ku dhiibtay Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in arrinka Qalbi-dhagax ay tahay ajendaha ugu horreeya ee golaha, lagana doodi-doono qaabka ay u dhacday gacan-gelintii Qalbi-dhagax.

Warar ku dhaw kulanka guddiyada joogtada ah ee aqalka sare ayaa Goobjoog News u sheegay in Xildhibaannada isku ballansadeen kulanka maanta in aan laga baaqan, isla markaana aan loo baahneen in loo yeero wax xukuumadda federaalka ah ee Xildhibaannada keliya ay ka doodi-doonaan.

Arrinta mar haddii ay ku saabsan tahay arrimo  la xiriira dastuurka iyo meel-ka-dhac lagu sameeyay qodobadiisa, xeerarka caalamiga ah oo lagu tuntay iyo sharciyo la sheegao in Qalbi-dhagax lagu dhiibay, arrimaahaasi oo dhan waxaa ay qeyb ka yihiin shaqada aqalka sare.

Goobjoog News, waxaa ay akhristaasheeda u ballan-qaadeysaa warbixin dheer oo arrinkaasi ku saabsan.

Goobjoog News