U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Meel-mariyay Xeerka Dhowrista Gobonnimada iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Sheeko:Baarlamaanka

Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah , ayaa dood labo maalin qaadatay kadib waxaa uu meel-mariyay Xeerka  Dhowrista Gobonnimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Kulankan oo ahaa midkii 3aad ee kalfadhiga 3aad, waxaa joogay 36 Xildhibaan, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, waxaa kale oo joogay guddoomiye ku xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad Mowliid Xuseen Guhaad.

Aqalka waxaa ka dhacday labo cod-bixin midda 1aad waxaa ay aheyd xeerka ma sidiisa ayaa loo gudbiyaa mise wax ka badal ayaa lagu sameeyaa? Halka cod-bixinta 2aad aheyd  ansixinta xeerka?

Codbixinta ku saabsan xeerka ma sidiisa ayaa loo gudbiyaa mise wax ka badal ayaa lagu sameeyaa, waxaa lagu kala baxay, 24 Xildhibaan waxaa ay u codeeyeen in sidiisa lagu gudbiyo halka 11 Xildhibaan u codeeyeen in wax laga badalo, hal xildhibaan ayaa ka aamusay.

Xeerka cod-bixinta loo qaaday, Xildhibaanno 28 ayaa ogolaaday, 6 Xildhibaan ayaa diiday halka 2 Xildhibaan ay ka aamuseen.

Xeerka  Dhowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed, waxaa isniintii meel-mariyay golaha shacabka, waana mid shirkadda DP World looga mamnuucayo dalka, heshiiska Berbera lagu baabiyay.

Goobjoog News