U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Mugdi Geliyay Furitaanka Kalfadhigiisa 4-aad

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga Joogatada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa kulan Maanta ku yeeshay xarunta aqalka sare

Kulanka oo uu shir guddomiyay Guddomiyaha Golahan Aqalka Sare Muddane Cabdi Xaashi Cabdulahi ayaa laga soo saaray War murtiyeed.

Qodobada ku jiray War-murtiyeedka waxaa ka mid ahaa in uu u furmi waayay kalfadhiga 4-aad sababo amni iyo kuwo farsamo awgeed.

Dhinaca kale guddiga ayaa intaas raaciyay in ay dib ka soo sheegi doonaan waqtiga uu furmayo kalfadhiga 4-aad ee golaha aqalka sare.

 

 

 

Goobjoog News