U bood dhigaalka

AQalka Sare Oo Sharciga Hey’adda Naafada Kala Hadlay Golaha Naafada

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah, oo bishan 6-deedii ay ka hor timid wasiirka xuquuqul insaanka Deeqo Yaasiin, kana hor akhrisay sharciga hey’adda naafada ayaa kulan gaar ah arrintaas kala galat golaha naafada.

Kulankaan oo ay wada qaateen Guddiga Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Xaquuqul insaanka ee  Golaha Aqalka Sare iyo golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed ayaa ahaa  mid la isaga xog wareysanayay aragtida ay ka qabaan dhismaha guddiga hay’adda naafada Qaranka, kaasi oo hadda horyaala  golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha naafada Qaranka  Soomaaliyeed Sayid Cali Cabdullahi Salaad  ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid looga talo galinayey dhismaha  guddiga hay’adda naafada Qaranka, kaasi oo ku saleysan baahiyaha Dadka Naafada ah ee Baahiyaha Gaarka ah qaba.

Xoghayaha  Guddiga Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Xaquuqul insaanka ee  Golaha Aqalka Sare  Senator  Cismaan Axmed Macoow   oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shircigaan ay fududeyn doonaan ansixintiisa, maadaama Faa’iido badan ay ugu jirto  golaha naafada Qaranka.

Sharciga wasiirrada ayaa ansixiyey   July 18, halka golaha shacabka ay soo ansixyeen 17 bisha Novembber 2018

Goobjoog News