U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Wufuud U Kala Diray Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Qoraal ka soo baxay aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay magacyada xubno guddiyo dhowr ah oo golaha Senate-ka ay u kala direen dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabistani sameeyay iyadoo la doonayo in xal loogu helo  khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Gollaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay in ay xallinayaan khilaafka ka dhex aloosan labada dhinac.

Gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa horay u shaaciyay in ay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda federaalka oo fadhigeedu yahay Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso

Magacaabid Wufuud