U bood dhigaalka

Aqalka Sare: Soo Dhaweynta Wafdiga Djibouti Iyo Khudbadaha Abshir Bukhaari, Jawaari Iyo Xumud

Sheeko:Baarlamaanka

Aqalka sare ayaa xalay xaflad casho sharaf ah u sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti mudane Maxamed Cali Xumud.

Xafladdan oo sidoo kale uu joogay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ugu horeyn erayo soo dhaweyn iyo sharaxaad qiimaha xiriirka labada dal halkaasi la jeediyay guddoomiya ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare Mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari).

Abshir Bukhaari waxaa uu dalka Djibouti uga mahadceliyay sida ay u tageeraan Soomaaliya “Mudane Guddoomiye, Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Djibouti waa labo dal oo wadaaga dhiig iyo dhul, iskagana dhaw wadamada kale ee geeska Afrika iyo kuwa caalamkaba, mudane guddoomiye waa labo dal oo Hiil shuruud la’aan ah isku haya oo mar walba isku tusaaleeya wanaagga, horumarka iyo nabadda”.

Guddoomiye ku-xigeenka ee aqalka sare Abshir Bukhaari waxaa uu ka hadlay heerarka uu soo maray xiriirka labada dalka“waxaa tusaale inagoo filan taageerada ay jamhuuriyadda Soomaaliya la garab taagneed xornimadd wadanka Djibouti oo markaasi loo yaqiinay Soomaalida Faransiiska, iyada oo ku bixisay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale, mudane guddoomiye si la mid ah sidaas ayey Djibouti u garab istaagtay jamhuuriyadda Soomaaliya xiliyadii dagaallada sokeeye iyada oo dadaal xoogan oo aad u badan ku bixisay dib u heshiisiinta Soomaaliya, dadka Soomaaliyeed iyo dib u yegliilidda dowladnimada Soomaaliyeed, mudane guddoomiye waxaa kale oo lama iloobaan ah ciidamada Hiil-walaal oo ka socda dowladda Djibouti kuwaas oo naftooda iyo dhigoodaba ku difaacaya shacabka iyo dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kana shaqeynaya nabadda iyo sidii ammaan loo heli lahaayeen, dadyowga Jamhuuriyadda, mudane guddoomiye kadib halaaggii ka dhacay isgoyska Zoobe 14kii October , dowladda Djibouti iyo shacabkeeda waxaa ay mar kale u muujiyeen in Hiilkoodu uusan soohdin laheyn oo mar walba u heelan yihiin garab istaagga walaalahooda iyaga oo gurmad caafimaad oo degdeg ah dadkii waxyeellada ka soo gaareen hallaagii ka dhacay Isgoyska Zoobe, isla markaasna uga qeyb-qaatay musiibadaas gurmad dhaqaale oo aad u weyn”

Waxaa uu ugu dambeyntii Abshir Bukhaari uga mahadceliyay dalka Djibouti garab istaaggooda iyo Hiilkooda.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhankiisa sheegay in aqalka sare iyo golaha shacabka ay ka dhasheen shirkii Carte ee dalka Djibouti, lagana faa’iday oo xiraa deegaankii Carte uu isku badalay gobol shirkaasi kadib.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo xafladda isaga oo u rajeeyay Soomaaliya iyo dhulkeeda in ay ku noqon doonaan sidii hore isaga oo intaasi racaiyay in maanta Soomaaliya aaney dowlad, ciidan iyo sharci ka maqneen ee waxyar dhiman yihiin, isaga oo soo jeediyay in Soomaalida is-aaminto.

Goobjoog News,