U bood dhigaalka

Aqalka Wakiillada Mareykanka Oo Ogolaaday In Magdhaw Laga Qaadi Karo Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka ayaa jimcihii ogolaaday in qoysaskii dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadii daaraha mataanaha ahaa ee WTC 9/11 in ay magdhaw weydiisan karaan dalka Sacuudiga.

Ogolaashiyaha aqalka wakiillada waxaa uu daba socdaa kadib markii bishii May ay sidoo kale soo ogolaadeen aqablka Senet-ka.

Aqalka cad ayaa la sheegayaa in uu si aad uga soo horjeedo go’aanka labada aqal ku gaareen in Sacuudiga magdhaw la weydiisto.

Dalka Sacuudiga ayaa horay uga hanjabay in ay maalgeshi malaayiin ah kala bixi doonaan Mareykanka haddii tilaabadaas la isku dayo.

Goobjoog News