U bood dhigaalka

Aqoon Is Weydaarsi u Socday Shaqaalaha Canshuuraha Barriga Oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Sheeko:Dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Farkeeti ayaa maanta soo xiray aqoon is weydaarsi u socday laba todobaad Ciidamadda Ilaalada Canshuurah iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka howlgala canshuuraha bariga.

Aqoon is weydaarsigaan ayaa u jeedkiisu ahaa in lagu barto isla shaqynta ka dhaxaysa qaybaha kala down ee ku howlan aruurinta canshuuraha , taas oo laf dhabar u ah kor qaadida dakhliga dalka,.

Ugu horayntii Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Gen. Cabdullahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay isla shaqaynta Ciidanka Booliska iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaadda.

“Waxaa sharaf noo ah in maanta na horfadhiyaan Taliyaha Ciidanka Boolika Soomaaliyeed iyo Wasiirkii Maaliyadda, waana arin nagu cusub in maanta aan u fadhino mudo badan oo dalku ku jiray bur bur sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Cidanka Ilaalada Canshuuraha (Turuba-Taariyo). Waa inaad si wada jir ah u ilaalisaan hantida dadweynaha, waxaana ogaataan dalka waxaa horay u dhisay canshuur, hadana waa in aan soo noolaynaa kaabyaasha dhaqaalaha dalka” ayuu yiri General Bariise

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Genereal Maxamed Sheikh Xaamud ayaa sheegay in ay maanta farxad u tahay ka soo qayb galka soo xirtaanka aqoon isweydaarsigaan madaama aan bari u dabaal dagayno 72 guuradii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

“Maanta waxaan soo xaadiray mid ka mid ah wax qabadka ciidanka looga baahan yahay iney u qabtaan bulshadooda, meeshii aan shalay joognayna maanta ma joogno, dalka isbadalo badan oo dhan kasta ah ayaa ka socda, hadii aan canshuurta la soo aruurina suurta gal ma noqonayso in nabada aan sugno, ama dalkaan uu horumar ku talaabsado, duruufaha amni owgeed ciidanka waan isku badali jirnay, lakiin hada ciidanka ilaalada canshuraha waxaan u daynaynaa la shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda,” ayuu yiri Gen, Xaamud.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Farkeeti ayaa sheegay in aqoon kororsigaan uu yahay bilow, hada kadibna la joogtayn doono, madaama ay tahay waxa ugu muhiimsan ee canshuurta lagu qaadi karo sharciga, waa in la barta sharciga canshuurta lagu qaado.

“Khamiistii la soo dhaafay waxaa golaha Wasiiradda la mariyey Tariifadii, waxaana loo gudbin doonaa golaha Barlamaanka si ay u sharciyeeyaan, Canshuurtu waa udub dhexaadka dakhliga dowladu ugu adeegto shacabkeeda, waxaana maanta sumcad daro noo ah in la yiraahdo mushaarkii ciidankaa la waayey. Hada wixii ka danbeeya wasaaradu waxay isugu gaynaysaa dadaalkeeda sidii kor loogu qaadi aruurinta canshuuraha barriga, waxaana meesha ka saaraynaa nidaamkaan lacagta lagu qaadayo ee gacan dhiibka, waxaana ku guda jirnaa diyaarinta nidaam casri ah oo lagu aruuriyo canshuuraha bariga,

Ugu danbayntii Wasiir Fargeeti ayaa sheegy inuu si gaar ah ugu mahadcelinayo Taliaha Ciidanka Booliska sida wanaagsan ee ula shaqeeyo Wasaaradda Maaliyada, wuxuu sidoo kale sheegay inuu u hamablyeeynayo Taliska Ciidnka Booliska Soomaaliyeed oo bari ay ku began tahay 72 guuradii ka soo wareegtay asaaskii Ciidanka Booliska.