U bood dhigaalka

Aqoon kororsi looga hadlay ka hor tagga faafitaanka geed Yahuudka oo Muqdisho lagu qabtay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa hay’ad lagu magacaabo Secil ayaa tababar u furtay xubno matalayay maamullada gobollada Banaadir , Shabeellaha hoose iyo Hiiran.

Waxaa aqoon kororsigan lagu baranayay ka hortagga faafitanka geed Yahuudka (Cali garoobka) , kaas oo la sheegay in wax soo saarka dalka uu ku leeyahay saamayn aan wanaagsanayn .

Waxaa furay tababarkaas wasiir ku xigeenka wasaaradda Howlaha guud iyo Dib u dhiska dalka Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka hadlay sida uu ula fal galo geed yahuudka abaaraha ku soo noqnoqda dalkan.

Andrew oo ka socday hay’adda Secil ayaa sheegay in muhiim ay tahay in loo wada istaago cirib tirka geedkan oo uu yiri waa mid faafid badan .

“20 sano oo dagaal ah kadib Soomaaliya waxaa ka beermay meelaha qaar geedo aad u waawayn oo geedkan Cali garoobka uu ugu horeeyo sida aan ku aragnay mar hore dalalka Ethopia , India ,   South Africa iyo Kenya, balse waxa ay Soomaaliya u baahan tahay ayaa ah in dadka iyo deegaanka loo micna sheego in suulinta geed yahuudku ay u wanaagsantahay wax soo saarka dalka .

Waxa ayna arintan dhaba qaadisteedu ay qaadanaysaa howl culus ,qayraad badan iyo shaqaalo badan si loo hor tago faafinta geed yahuudka , waxaana bilownay maanta sidii dadkan aan ugu sheegi lahayn durba faafitaanka geedkan iyo saamaynta uu degaanka ku leeyahy .

Hadda hadaad eegto degmooyinka Muqdisho sida shangaani , waxaad arkaysaa saamaynta uu ku yeeshay geedkan oo faafayay 20-kii sano ee la soo dhaafay”. ayuu Andrew ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.

Geedkan oo si aad ah u faafa ayaa yeeshay magayo fara badan oo ay bulshada soomaaliyeed u bixisay sida : Kaligii noole, Cali garoob, geed Yahuud iyo garan waa.