U bood dhigaalka

Aqoon-yahan Ka Hadlay Shaqada Golaha Shacabka Laga Sugayo

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo hadda ku maqan fasax muddo laba bilood ah  ayaa marka ay ka soo labtaan fasaxa waxaa jira hawlo qabyo ah iyo qaar kale oo dhameytir u baahan oo laga sugayo in ay qabtaan.

Golaha shacabka waxaa ay shaqo ka bilaabi doonaan dib u eegista xeer hoosaadka golaha oo hadda xildhibaanno siminaar ugu maqan yihiin dalka Uganda. Waxaa kale oo jira Hindisyo sharciyeedyo dhanka xukumadda federaalka ah laga rabo oo ay tahay in barlamaanka horkeenaan, lana meelmariyo.

Prof : Maxmed Xuseen Ciise  ayaa u sheegay Goobjoog in shaqooyinka Xildhibanada Golaha shacabka laga rabo ay tahay in ay dhameystiraan sida xeer hosaadyadooda kadibna ay sameestaan qorsha hawleedka sanadla ah, hadii sidaa  ay sameyaan ay wax badan qaban karaan.

“Baarlamaanka waxyaabaha ugu muhiimsan  waxay tahay in nidaamkiisa gudaha ah uu dhameystiro si deg deg ah oo aan lagu daahin, kadibna loo gudbo inuu dajiyo istiraatiijiyaddii uu ku shaqeyn lahaa  sanadkaan isagoo la kaashanayo  guddiyada lalana kulmayo xukuumadda maadaama hindiyo sharciyeedka uu uga yimaado xukuumadda “

Sida la wada soconno Golaha shacabka ee Barlmaanka Soomaaliya waxaa horyaala shaqooyin badan oo qaarkood ay yihiin kuwa muhiim ah in si deg deg ah ay uga shaqeyaan.

Prof: Maxmed Xasan Doob oo arimaha siyaasada ka hadla ayaa sheegaya in waxyabaha ugu muhiimsan ee la rabo in ay ka shaqeyaan  Golaha shacabka ee baarlmaanka ay ka mid tahay  Golaha adeegga garsoorka iyo kuwa kale uu xusay in Golaha laga sugaayo.

“Waxaan is leeyahay waxyaabaha horyaallo waxaa ka mida dhismaha hay’addi garsoorka qaranka Soomaaliyeed,  hay’addaas horaa loo kala diray haddaana la dhisinna garsoor ma dhismaayo, garsoorka dalkana ma noqanaayo mid sharciyad heysto waxa ugu horreeyo oo dalkaan uu u bukaa waa caddaalad si caddaaladdii dabagal iyo dhismo laagu sameeyo iyo la socodka hawlaha garsoorka waxaa muhiim ah in la dhiso guddii garsoorka qaranka Soomaaliyeed”.

Waxaa kale oo jirta dastuurka iyo dib u eegistiisaa kaasi aad muhiim ugu ah dalka sida markale uu sheegay Prof” Maxmed Xuseen Ciise.

Golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya waxaa ka mid ah shaqooyinkooda  in ay meel mariyaan hindisyo sharciyeedyada uga yimaado xukumadda iyo hishiisyada ay gasho taasi oo ay tahay in barlmaanka uu kula xisaabtamo.

Bulshada ayaa rajadooda ay tahay in xildhibaanada madama ay matalaan shacabka in ka shaqeyaan waxyabaha ay ubahan yihiin si loogu socda horay iyagoo  wada shaqeen ay dhexmareeso Golaha Fulinta iyo Hay;adaha kale ee dawlada.

Shaqada golaha shacabka ee kalfadhigii tagay waxaa ay aad uga yareed shaqadii la qabtay kalfadhigii 1aad ee baarlamaanka 9aad, kaladhiga xiga waxaa looga fadhigaa in ay wax ka qabtaan dhammaan sharciyada iyo howlaha dhiman.

W/Q: Cabdiwahaab Maxamed Ibrahim