U bood dhigaalka

Aqoon-yahan Qiimeeyay, Sanad kadib Maxaa Ka Qabsoomay Ballamihii Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Ballan-qaadyo dhowr ah ayuu sameeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah  Maxamed Cabdullahi Farmaajo markii uu murashax ahaa, kuwaas oo ku aadanaa in waxbadan uu ka qabn doono arrimo muhiim ah sida cadaaladda, amniga, yareynta safarrada iyo musuqa.

Guud ahaan dhanka ammaanka dalka iyo ballanqaadyadii uu sameeyay madaxweynaha maxaa ka qabsoomay, waxaa uga waramay arrintaasi Goobjoog News Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud“Ciidamo kale oo aan AMISOM aheyn waa ay joogaan dalka,  oo ay leeyihiin dowlado waaweyn,  lagamana bixin, maalin dhoweyd waxaan aqrinayey warbixin lagu qoray wargeyska The Guardian oo sheegeysa intii Soomaaliya diyaard lagu duqeeyay oo dhan laga soo bilaabo 2006 iyo inta sanadkani la duqeeyay,  waxaa badatay inta sanadkani la duqeeyay, waxaana ku baaba’ay dad badan oo Soomaaliya oo aan dagaal ku jirin oo xoolo dhaqato ah, marka cudud keliya ma shaqeyso meesha waa siyaasad”.

Ballan-qaadyadii ugu waaweynaa waxaa ka mid ahaa in uu yareynayo madaxweyne Farmaajo safarada dibadda ah oo madaxdii ka horreysay uu sheegay inay ku caan baxeen, balse dadka odorasa siyaasadda ayaa qaba arrintaasi mid ka duwan Ridhwaan Xisri Maxamed oo ah guddoomiyaha Xisbiga Talo-wadaag ayaa ka waramaya“Madaxweynaha markii uu ku jiray ololihii siyaasadeed,   waxaa uu dhihi jiray safarada dibadda waa aan yareynayaa, mar walba waxaad ogaataan waxaa kala duwan marka aad ku jirto olole siyaasadeed iyo marka uu yimaado waaqaca oo xukunkii iyo taladii aad gacanta ku qabato, is badal ayaa imaan kara waxa ay u baahantahay safarada uu madaxweynaha uu dibadda ku tagay in aan dib u qiimeyno”.

Cadaaladda ayaa ah meelaha ugu badan oo muranka ka jiro waxaa jira dad badan oo weli cadaalad la’aan tabanayo maxkamadaha dalka wali wax badan kama aysan qaban cadaaladda iyo sidoo kale in bulshada ay helaan cadaalad.

Madaxweynaha dalka ayaa dhankiisa sheegay in garsoorka uu hagaajinayo si qof walba oo muwaadina uu u helo cadaalad, hadaba maxaa ka dhaqan galay balan qaadkaas.

Kamaal Guutaale oo ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa uga warbixiyey Goobjoog News waxa ka dhaqan galay ballanqaadyadii garsoorka oo uu qaaday madaxweynaha waxa uuna yiri“Qof walba oo Soomaali ah hadaad tiraahdo maxaad u baahantahay waxa uu ku leeyahay cadaalad, marka waxa aan rabnaa cadaaladda in aysan naga noqon hadal oo ay noqoto wax annga aan socod-siinno, waxa ay u baahantahay in lugo loo yeelo, waxaasna waxa ay u baahanyihiin in la dhiso hay’adaha oo latayeeyo dadka madaxda ka ahna laga dhigo dad la xisaabin karo oo toosh uu ku shidanyahay “.

Is dhex-galka shacabka  iyo dowladda ayaa qeyb ka ahaa ballan-qaadyadii madaxweynaha uu sameeyay, doorashadii madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xasuustaa in shacabka si kalsooni ah ay u raacayeen baabuurta ciidanka taasi oo muujineysay in ciidanka iyo shacabka ay is dhex-gal sameynayeen.

Maxamuud Axmed Tarsan oo ah lataliyaha madaxweynaha ayaa ka hadlaya waxa uuna yiri: “Socdaalkii madaxweynaha  uu ku tagay Puntland iyo Galmudug waxa ay aheyd u dhawaasho uu hogaanka dalka u dhawaanayo shacabka, uuna ka dhageysto waxa ay ka qabaan, in uu dhageysto dhibatooyinkooda lana wadaago dareenkooda, taasna ayaa ka mid aheyd is dhex-galka shacabka iyo dowladda, maamul goboleedyadii oo awal colaada u hayey madaxweynaha waxa ay arkeen taageerada ay shacabka u hayaan madaxweynaha “.

Mudada sanadka ah oo ay shaqeyneyso dowladda curdunka ah ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo waxaa jiray caqabado badan oo ka horyimid sida Xasuuqii Bariire, Dhiibistii Qalbi-dhagax, Khilaafkii maamul goboleedyada, xarigii Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo kuwo kale.

+Halkan kala soco, Warbixinno Tixane ah oo lagu qiimeynayo”Sanadka 1aad ee maamulka Farmaajo”

Goobjoog News