U bood dhigaalka

Aqoon-yahanno Iyo Siyaasiyiin Dhaliilay Howlgalka AMISOM

Sheeko:Dalka, War

AMISOM  waxaa ay Soomaaliya soo gashay sanadkii 2007-dii, waxa ayna ku yimaadeen qorshaha nabad-ilaalinta howlgalka golaha ammaanka ee Qaramada midoobay.

Joogitaankooda Soomaaliya hadda waxa uu gaarayaa muddo dhan 10-sano, hoggaamiyayaasha Africa ayaa ku doodaya in ay qabteen waxbadan, tobabarrada iyo qalabeynta ugu yaraan 20 kun oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sugidda ammaanka.

Aqoon-yahanno la hadlay Goobjoog News ayaa waxa ay qabaan in joogitaanka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ay tahay natiijo xumo sida uu qabo Agaasimaha Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda Cabdirashiid Khaliif Xaashi isaga oo yiri: “AMISOM Shabaab kama adkaan doonaan, mana aaminsani in AMISOM ay Al-shabaab ka adkaan doonto, maxaa yeelay waxaan aaminsanahay in ciidana Soomaaliyeed oo kaliya uu ka adkaan karo, adduunkana ma jirto Jabhad saan oo kale ah oo hubeysan ciidan bannaanka ka yimidna uu ka adkaado, dalkani waxaa hagaajin kara ciidan iyo Siyaasiyiin isku duuban ee Ajaanibta imaaneysa waa dhiig joojin kaliya”.

Xildhibaan Sagal Biixi oo ka mid ah xildhibaannadka golaha Shacabka ayaa dhankeeda qabta in AMISOM wixii laga filaayey aysan qaban taas badalkeedna ay geysteen tacadiyo iyada oo aan jirin cid la xisaabtanto waxa ayna tiri. “Waa Ciidamo AMISOM ah balse si toos ah uga amar qaato dalalkii soo dirsaday, aadna waxaa u dib badan qaladaadka ka yimaada in aan la aqoonin cid lagula xisaabtamo, waxaa jira marar badan oo AMISOM ay qalad gashay sida in ay laayaan dad shacab ah”.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaar ka mid ah ayaa iyagana qaba in howlgalka AMISOM ee mudada tobanka sano ah in uusan u hirgalin sidii larabay, waxaana weli jira caqabado amni.

Maxamed Cali Nuur Ameico Safiirkii Hore ee Soomaaliya dalka Kenya waxa uu yiri “Howlgalka AMISOM waxaa ay kor u dhaaftay toban sano, waxa aan aamisanahay in meelo badan ay qabteen kaligoodna ma xoreyn ammaanta waxaa iska leh ciidanka Soomaaliyeed oo iyagu furinta uga horreeya dhaawaca bandanna uu soo gaaro”.

Qorshaha howlgalka AMISOM ayaa la filayaa in la balaariyo waxaana la doonayaa in la gaarsiiyo ilaa sanadka 2022-da waana Ajande meel sare uga jira Soomaaliya.

Goobjoog News