U bood dhigaalka

Aqoonayahan Dowladda ku Eedeeyey inay cadaalad darro ku taageertay maamulka Shariif Xasan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Shariif XassanPro: Ibraahim Muuse Heero ayaa sheegay in dowladda Federalka looga baahan yahay inay si wanaagsan uga qeyb qaadato maamul u sameynta gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Wuxuu sidoo kale sheegay in weli arrinta Baydhabo ay dagi la’dahay siyaasiyiin iyo dad kale oo wataan dano gaar ah.

Wuxuu tilmaamay in ay wanaagsan tahay in maamul u sameynta Koonfur Galbeed ay noqoto mid loo dhan yahay, bulshada qeybaheeda kala duwana ay kasoo wada qeybgalaan, raalina ka yihiin.

Aqoonyahankani ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si cadaalad daro ah ay ku taageertey maamulka Shariif Xassan.

17-kii bishii Nofeember ayaa magaalada Baydhabo waxaa madaxweynaha Koonfur Galbeed loogu doortey Shariif Sheekh Xassan oo horey usoo noqdey guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Ibraahim ayaa sheegey in hogaanka Shariif Xassan aanan lagu kalsoonaan karin, maadaamaa buu yiri horey loosoo arkay hogaankooda.

Mar Wax laga weeydiiyey in ay suurogal tahay in xiligan la joogo in ay shacabka iyagu wax soo doortaan, ayuu sheegey in aysan suurogal ahayn taas, balse wuxuu tilmaamay in shacabka ay leeyihiin wakiilo matala, sida odayaasha dhaqanka.

Dhageyso

Goobjoog News