U bood dhigaalka

Aqoonyahan Daqare “Hirshabelle Uma Baahna Khilaaf Dambe” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan C/raxmaan Daqare oo wax badan kala socda siyaasadda guud ee dalka, islamarkaana ku taqsusay maamulka iyo maareynta hay’adaha dowliga ah ayaa ka hadlay khilaafka kasoo cusboonaaday Hirshabelle.

Daqare ayaa sheegay in xilligan aanay Hirshabelle qaadi karin khilaaf soo noq-noqday, islamarkaana muhiim ay tahay iney is fahmaan madaxda sare ee Hirshabelle iyo xildhibaannada.

Waxa uu tilmaamay in horey loo tuuray madaxweynihii ugu horreeyey ee Hirshabelle, haatanna miiska lasoo saaray midkii Labaad.

Aqoonyahankan ayaa ku taliyey in laga shaqeeyo danta shacabka Hirshabelle, islamarkaana xilligan aanay wax dan ah ugu jirin Hirshabelle mooshinka laga keenay madaxweyne Waare.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News