U bood dhigaalka

Aqoonyahan Daqare: Madaxweynaha Waxaa Ku Hareereysan Qurbejoog (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in madaxweyne Farmaajo ay ka maqan tahay talada aqoonyahanka.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha laga doonayey inuu aqoonyahannada taladooda dhageysto islamarkaana ka talobixiya marxaladaha kala duwan ee dalka.

Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha ay ku hareersan yihiin Qurbejoog uu sheegay in aanay waxbo kala socon xaaladda dalka.

Dhanka kale, Daqare ayaa wareysigan uu siiyey Goobjoog kaga hadlay arrimaha ku aadan khilaafka dowlad goboleedyada iyo sidoo kale DFS, wuxuuna sheegay in madaxweynaha xaq u leeyahay inuu isugu yeero madaxda dowlad goboleedyada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News