U bood dhigaalka

Aqoonyahan Dhaliilay Doorashadii Aqalka Sare Ee Ka Dhacday Kismaayo

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah aqoonyahannada kasoo jeeda gobolka Gedo laguna magacaabo Ibraahim Maxamed Cabdulle ayaa kasoo horjeestay doorashadii aqalka sare ee shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Aqoonyahankani oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay  in madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu ka dambeeyo cadaalad darro uu sheegay in loo qeybiyay xubnaha aqalka sare oo ay horey ugu baaqeen in madaxweyne Axmed Madoobe uu dib ugu laabto.

Doorashada ayuu sheegay ineysan ahayn mid ku dhacday si cadaalad ah, islamarkaana goobta la geeyey xubno aysan raali ka ahayn dadkii ay ka dhasheen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga raali kama nihin doorashadan ka dhacday Kismaayo, annaga dad aan ina matalin baa naloo geeyey, horay waan u sheegnay oo waxaan dhahnay halaga laabto, balse waa nalaga diidey, midda kale waxaan socda waxaa hormuud u ah madaxweyne ku xigeenka Jubbaland” ayuu yiri Aqoonyahan Ibraahim.

Dhanka kale Goobjoog News oo si kooban ula hadashay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo eedeynta dhankiisa loo jeediyey.

Xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland ayaa maalintii shalay ahayd waxay doorteen 8 xubnood ee aqalka sare ugu matalaya maamulkaasi.

Goobjoog News