U bood dhigaalka

Aqoonyahan dowladda ku dhaliilay qaabka ay u magacawdo agaasimeyaasha wasaaradaha

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaab aan waafaqsaneyn sharciga loo maray magacaabista agaasimeyaasha wasaaradaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Aqoonyahan Cabdi Waaxid Xuseen Macalin Arbaca ayaa sheegay in dowladda Federaalka looga fadhiyo in wax badan ay ka bedesho qaabka magacaabista agaasimiyaasha wasaaradaha.

Intaa waxa uu ku daray in tani ay keeni karto habac sanaan dhanka sii socoshada iyo hufnaanta shaqo ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka tirsan aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in aysan wanaagsanayn hannaanka ku dhisan hab beeleedka ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku qeybiso shaqooyinka ugu sareeya ee wasaaradaha.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Waaxid Xuseen Macalin: