U bood dhigaalka

Aqoonyahan Idiris Oo DF Ku Eedeeyay In Ay Dayacday Wasiir Janan

Sheeko:Dalka

Idiris Xasan Faarax oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed islmarkaana wareysi siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay in baxsashadii wasiir Janan ay ahayd dayacaad ay sameysay dowladda federaalka waxa uuna hoosta ka xariiqay in arrinkaasi uu yahay waji gabax.

Aqoonyahan idiris ayaa yiri “waa dayacii ugu weynaa mida kale taas waxaa ka sii weyn xitaa waxaa dhici kartay in la dili karay sababtoo ah marka qofka aad xabsi ku hayso waa in amnigiisa aad ilaaliso waa in aad dadka ka ilaaliso, waji gabax weyn bey ku tahay dowladda arrinkaasi”

Sidoo kale aqoonyahan Idiris oo sii hadlayay ayaa sheegay in wasiir Janan uu xasuuq ka geystay gobalka Gedo islamarahaantaana ay baadi goob ugu jirtay hey’adda u doodda xuquul aadanaha ee Amnesty International.

“Xasuuq badan ayuu ka geystay gobalka Gedo gaar ahaan Baladxaawo iyo Dooloow marka nin aad loo doondoonayay buu ahaa, marka arrintaasi arrin sahlan ma ahan dowladdana ku sahlan iyo kuwa deriska ah” ayuu hadalkiisa ku sii daray Idirisi Faarax Cabdi.

Dhanka kale Aqoonyahan Idiris Faarax ayaa sheegay in dowladda federaalka laga rabo in ay Kenya weydiisato sidii gacanta dowladda mar kale loogu soo celin lahaa wasiir Janan.

“Dowladda federaalka waxaa laga rabaa in ay weydiisato Kenya in ay soo celinayso maxbuuska waa wx lagama maarmaan ah waa in DF arrintaasi ay ku dhaqaaqdo laakiin haddii ay sidaasi ku aamusto waxaa imaanaya tuhun” ayuu hadalkiisa ku daray aqoonyahan Idiris.

Hey’adaha booliiska Soomaaliya ayaa 28-kii Janaayo ee sanadkan waxa ay sheegeen in gacantooda uu ka baxsaday wasiir Janan oo bishii August ee sanadkii tagay ay ka soo qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News