U bood dhigaalka

Aqoonyahan Idiris Sheekh “Safarkii Kheyre Ee Kismaayo Mid Fashil Buu Ahaa” (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Aqoonyahan Idiris Sheekh Xasan Faarax oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa sheegay in shirkii kusoo dhammaaday Kismaayo ee Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Axmed Madoobe yahay mid fashilmay.

Waxa uu ku eedeeyey Ra’iisul wasaare Kheyre in uu dhegaha ka fureystay dad uu sheegay iney ku dulman yihiin deegaannada Jubbaland.

Idiris ayaa sheegay in ay ka filayeen Ra’iisul wasaare Kheyre in uu ka shaqeeyo sidii uu wax uga qaban lahaa maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe, balse ay arkeen in xukuumadda ay ku faraxsan tahay waxa ka jira Jubbaland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News