U bood dhigaalka

Aqoonyahan Idiris Sheekh “Waxaa Meesha Ka Baxay Khilaafkii Madaxda DFS Iyo Dowlad Goboleedyada”

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah Aqoonyahanada  Soomaaliyeed ayaa rajo ka muujiyey in xilligan ay isku soo dhowaadaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Idiris Sheekh Xasan oo ku sugan dalka Finland ayaa sheegay in hadda ay muuqato astaan muujineysa iney madaxda Soomaalida isku meel uga soo jeedsanayaan ka shaqeynta aayaha dalka.

Idiris ayaa sheegay in caleema saarkii madaxweynaha Puntlad lagala kulmay waxyaabo aan horey loo fileyn, kuwaasi oo ah iney isku soo dhowaadaan madaxdii dowlad goboleedyada qaar ee khilaafka kala dhaxeeyey DFS.

Waxaa hadda muuqata rajo wanaagsna, waayo waxa haray waxay ahaayeen Xaaf iyo Axmed Madoobe, ma haystaan garab kale, iyaguna wadahadal ayeey doorbideen

Bisha March ee sanadkaan ayaa la filayaa in si rasmi ah u wada xaajoodaan madaxda dowladda federaalka iyo sidoo kale kuwa maamul goboleedyada, si loo helo xasilooni siyaasadeed.

Goobjoog News