U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ka Digey Khilaafka Ka Dhex Taagan Xildhibaannada Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Faysal Rooble ayaa sheegay in khilaafka ka dhex taagan xubno ka tirsan baarlamaanka iyo xukuumadda uu hakad ku keenay howlihii shaqo ee xukuumadda.

Waxa uu sheegay in muhiim ay ahayd in wax walbo oo baarlmaanka ka doodayo si deganaan oo aan khilaaf lahayn looga dodo.

Faysal ayaa sheegay in baarlamaanka ay u taallo in si aan buuq ku jirin uga doodo arrimaha hadda muranka dhaliyey ee Qalbi Dhagax.

“Khilaaf yimaada waxay dhibaato ku tahay howlihii dowladda, hadda sida muuqata khilaafka xildhibaannada wuxuu wajahay meel adag, wuxuu saameeyay shaqooyinkii dowladda, marka xuquuqda muwaadinka iney ka doodaan xildhibaannada waa shaqo u taalla” ayuu yiri Aqoonyahanka.

Ugu dambeyn, Faysal ayaa tilmaamay in kalsoonidii shacabka ay dowladdu ku qabeen ay hoos u dhacday wixii ka dambeeyay kiiskii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News