Aqoonyahan Ka Hadlay Sida Dowladda Ku Kordhin Karto Daqliga Gudaha
Barlamaanka Soomaaliya ayaa maalmo kahor meel mariyay miisaaniyada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2017-ka.
Miisaaniyada Dowlada ay meel marisay ayaa la sheegayaa in ay ka badan tahay miisaniyadihi hore ay ugu shaqayn jireen xukuumadihii dalka soo maray.
Daa uud Ciid Cusmaan oo ah dhaqaale yahan iyo falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay in Golaha Shacabka Soomaaliya uu meel mariyay miisaniyad aan hore u meel marin xukuumadihii dalka soo maray.
waxa uu sheegay Mr Daa’uud in si Dowlada si ay ugu guulaysato maaraynta daqliga Dowlada muhiim ay tahay in ay qaato talaabo kasta oo ay ku jabin karto musuqa.
waxa uu soo hadal qaaday Dauud Ciise Cusmaan in loo baahan yahay in xukuumada Khayre ay ka dhabeyso balanqaadyadii ahaa la dagaalka musuqa iyo sidii loo heli lahaa qaab daah furnaan ah.
Si looga horgato dhibaatada hoos dhaca dhaqale ee dalka ragaadiay ayuu sheegay Da’uud in Dowladu ay la timaado shaqaalle ad adag oo qaadan karo go’aan ay kaga soo horjeedaan gacan toogaalaysiga.
Dowlada ma ah ayuu yiri Da’uud in canshuurta ay ka qaato ganacsatada yar yare e waa in ay beegsatada Ganacsatada waa wayn ee gacanta ku haya hantida Ummadda
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa wax ka qabashada dhibaatada salka u ah musuq masuqa si dalka uu ugu dhaco isbedel muuqda
Hanad Ali Guled.
Goobjoog News