U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ka Hadlay Sida Dowladda Ku Kordhin Karto Daqliga Gudaha

Sheeko:Dalka

Barlamaanka Soomaaliya ayaa maalmo kahor meel mariyay miisaaniyada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2017-ka.

Miisaaniyada Dowlada ay meel marisay ayaa la sheegayaa in ay ka  badan tahay miisaniyadihi hore ay ugu shaqayn jireen xukuumadihii dalka soo maray.

Daa uud Ciid Cusmaan oo  ah  dhaqaale yahan iyo falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay  in Golaha Shacabka Soomaaliya  uu meel mariyay  miisaniyad  aan hore u  meel marin xukuumadihii dalka soo maray.

waxa uu sheegay Mr Daa’uud in  si Dowlada si ay  ugu  guulaysato maaraynta daqliga Dowlada  muhiim ay  tahay in ay qaato talaabo kasta oo ay ku jabin karto musuqa.

waxa   uu soo hadal qaaday Dauud Ciise Cusmaan  in  loo baahan yahay in  xukuumada Khayre ay ka dhabeyso   balanqaadyadii ahaa  la dagaalka musuqa  iyo sidii loo heli lahaa qaab daah furnaan ah.

Si looga horgato dhibaatada hoos dhaca dhaqale ee dalka ragaadiay ayuu sheegay Da’uud in Dowladu ay la timaado shaqaalle ad adag oo qaadan karo  go’aan ay kaga soo horjeedaan gacan toogaalaysiga.

Dowlada ma ah ayuu  yiri Da’uud in  canshuurta ay ka qaato  ganacsatada yar yare e waa  in ay   beegsatada Ganacsatada waa wayn  ee gacanta ku haya hantida Ummadda

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa wax  ka qabashada dhibaatada  salka u ah  musuq masuqa si dalka uu ugu dhaco isbedel muuqda

Hanad Ali Guled.

Goobjoog News